Masjidka BardahaIslamic Center

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

Masjidka Bardaha Islamic Center

Qur'aan, Sunnah iyo Cilmiga Islaamka oo Hal Goob Lagu Helo.

Salaadda xigta · Muqdisho
Waqti haray
--:--:--
Fajr
--:--
Duhur
--:--
Casar
--:--
Maqrib
--:--
Cishe
--:--

Helitaan Degdeg ah

Dhammaan culuumta Shareecada oo hal goob kaaga diyaar ah.

Ku Saabsan Masjidka Bardaha

Masjidka Bardaha Islamic Center waa masjid fac weyn oo qadiimi ah, leh taariikh dheer oo ku suntan faafinta diinta Islaamka, tarbiyadda bulshada, iyo barbaarinta jiilal badan oo Muslimiin ah. Muddo dheer ayuu masjidku ahaa xarun cilmiyeed ay ka socdeen duruusta Qur'aanka Kariimka, Xadiithka, Tafsiirka, Fiqiga, Luqadda Carabiga, iyo culuumta kale ee Shareecada Islaamka.

Masjidka waxaa kasoo aflaxay culimo, ducaad, macallimiin iyo mashaa'ikh badan oo door weyn ka qaatay faafinta dacwada iyo cilmiga Islaamka gudaha iyo dibaddaba. Taariikhdiisa dheer iyo kaalinta uu bulshada ku leeyahay ayaa ka dhigtay mid ka mid ah xarumaha diimeed ee ugu sumcadda iyo ixtiraamka badan.

Masjidka Bardaha Islamic Center wuxuu ku taagan yahay ilaalinta manhajka saxda ah ee Islaamka, faafinta cilmiga faa'iidada leh, kobcinta akhlaaqda wanaagsan, iyo adeegga bulshada Muslimka ah.

114
Suurooyin Qur'aan
7
Uruurinta Xadiith
5
Qaraati caan ah
12+
Culuumta Shareecada

Aragtida (Vision)

In Masjidka Bardaha Islamic Center noqdo xarun casri ah oo isku xirta dhaxalka qaaliga ah ee masjidka iyo teknoolojiyadda maanta, si cilmiga Islaamka loogu gaarsiiyo Muslimiinta dunida oo dhan.

Qaraati la heli karo

Dhageyso Qur'aanka codadka qaaridiinta caanka ah.

  • Sudais
  • Shuraim
  • Mishary Alafasy
  • Minshawi
  • Husary

Qiyamkayaga Aasaasiga ah

Mabaadi'da nagu hoggaamiya shaqadayada.

Daacadnimo iyo Ikhlaas
Faafinta Cilmiga Saxda ah
Xushmeynta Culimada iyo Mashaa'ikhda
Adeegga Bulshada
Midnimada Muslimiinta
Ilaalinta Dhaxalka Islaamiga ah
Horumarinta Jiilasha Mustaqbalka

Ujeeddada Website-ka

Website-ka Masjidka Bardaha Islamic Center waxaa loo dhisayaa:

  • Kaydinta taariikhda iyo dhaxalka masjidka.
  • Soo bandhigista duruusta iyo muxaadarooyinka culimada.
  • Keydinta kutubta iyo culuumta Islaamka.
  • Kor u qaadista barashada Qur'aanka Kariimka.
  • Isku xirka ardayda cilmiga, culimada iyo bulshada Muslimiinta.
  • Gaarsiinta fariinta Islaamka jiilasha cusub iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyadda casriga ah.